U bood dhigaalka

Guddomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii jaaliyadda iyo dowladda ay uga wada shaqayn lahaayeen wax ka qabashada tacadiyada ay la kulmaan ganacsatada Soomaalida ah.

“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatada  ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Madoobe, ayaa sidoo kale ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaalida, kula dardaarmay wada shaqeynta dhexdooda iyo xiriirka ay la leeyihiin dowladda.