U bood dhigaalka

Guddomiye Sacdiya oo kamid noqotay 100-ka qof ee Afrika ugu Saameynta Badan

Sheeko:Amniga

Guddomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kamid noqotay 100-ka qof ee ugu saameynta badan Afrika.

Qiimaynta sanadlaha ah ee ay sameysay hay’adda Reputation Poll International, ayaa lagu shaaciyay boqolka qof ee ugu saameynta badan qaaradda Afrika Sanadka 2022-ka.

Shuruudaha dadka ku soo baxaya liiskan ayaa kamid ah daacadnimada qofka, sida uu uga dhex muuqdo bulshada iyo saameynta uu leeyahay qofka.

Xildhibaanad Sacdiya ayaana kamid noqotay boqolka qof ee sanadkaan loo xushay in ay kamid noqdaan shaqsiyaadka ugu saameynta badan Afrika.

Amina Maxamed Jibriil wasiirka hore ee arrimaha dibadda Kenya, Martha Karau oo ah haweneyda keli ah ee u tartantay jagada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya iyo shaqsiyaad kale.

Goobjoog News