U bood dhigaalka

Guddomiye Warsame “Galmudug Waxaan U Rajaynayaa Guul”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyihii Hore Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame ayaa lix sano ka dib ka tagay xafiiska,isagoo maamulka badalaya u rajeeyay in ay la yimadaan wax qabad u horomar ah bahda ciyaaraha Galmudug.

Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug ayaa Axmed Tahliil Cali u magacaabay tababaraha kooxda Glamudug ee sanadkan qeybta ka ah tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaana guddoomiyihii u rajeeyay guul iyo horomar.

Raysal Wasaasrihii Hore Soomaaliya nudane Xasan Cali Khayre ayaa door wanaagsan ka qaatay casriyeenta garoomada kubbadda cagta Glamudug,waxaana guddoomiyihii hore Xiririka Kubabdda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame ka mahad celiyay garab istaad iyo kaalinta ay ka heleyn Raysal Wasraaihii hire Xasan Calli Khayre.

Ugu dambeynta Gudsoomiye Warsame ayaa bahda ciyaaraha iyo dadka ka soo jeeda Galmudug ku dardaarmay in ay ka qeyb qaataan shaqooyinka ka socda deeganadooda,isagoo geesta kale sheegay inay muhiim tahay in si dhaw ay u wada shaqeeyaan Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha Galmudug.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle