U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Farmaajo Ku Dacweeyey Beesha Caalamka, Sheegana Inuu Sameeyey Magacaabis Hal Dhinac Ah

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyey inuu ku lug leeyahay guddiga doorashada Somaliland kadib markii uu sameeyey sida uu sheegay “magacaabis hal dhinac ah”.

Guddoomiyaha Senate-ka Xaashi waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay iney soo fara geliyaan oo ay cadaadiyaan Farmaajo magacaabista guddiga doorashada Somaliland.

Warqad ku socotay beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobey  iyo midowga Yurub ayuu Xaashi ku sheegay inuu Farmaajo sameeyey magacaabis hal dhinac ah taas oo ka hor imaaneysa heshiiskii 2016-kii, middaas oo lagu sheegay in maamul goboleed walba uu guddigiisa magacawdo. 

Cabasha Xaashi ayaa imaaneysa maalmo uun kadib markii 12 murashax oo ka tirsan kuwa 2021-ka ay ku hanjabeen iney qaadhacayaan doorashada 2021.