U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo La Kulmay Dhiggiisa Kenya

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wuxuu kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Kennedy Lusaka.

Ugu horreyn, guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyey dowladda Kenya garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalka soo maray.

Waxyaabaha ay Labadan guddoomiye ka wadahadleen ayaa waxaa ka mid ah, is weydaarsiga khibradaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah shaqada Labadan aqal.

Guddoomiye Xaashi ayaa dhiggiisa Kenya wuxuu u fidiyey casumaad ah in uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, iyadoo Mr. Kennedy Lusaka uu aqbalay casumaaddaasi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog u ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan, Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senate-ka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Goobjoog News