U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug “Wadahadal Ayaan La Galeynaa Ahlu Sunna”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug mudane Cali Gacal Casir oo markii ugu horeysey warbaahinta la hadlay tan iyo intii shalay lagu doortey magaalada Cadaado ayaa sheegey in ay wadahadal la galayaan ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Isaga oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegey in waxkasta lagu dhameyn doono wadahadal, wuxuuse qirey in ay hortaalo hawl adag oo u baahan mas’uuliyad.

Mar wax laga weeydiiyey halka xarun u noqoneysa baarlamaanka ayuu sheegey in markasta la tixgalin doono rabitaanka shacabka.

Wuxuu hadlayay xili Ahlu Sunna ay shir ka furtey magaalada Dhuusamareeb kaasi oo ay sheegeen in ay maamul ugu sameynayaan gobolada dhexe.

Goobjoog News