U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Ka Hadlay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee BFS u Matalaya Maamulkooda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka cusub ee Hir-shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa  xaqiijiyay in xubnaha aqalka sare ee baaralmaanka ay soo gudbin doonaan wakhtiga ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka ah.

Guddoomiye Cusmaan oo aan la yeelanay wareysi dheer, ayaa ugu horreyn ka hadlay labo qodob oo Dastuurka Hir-shabeelle oo ay baarlamaanku wax ka bedel ku sameeyeen, waxaanuu yiri;

“Baarlamaanku shaqo badan ayuu qabtay, iyadoo wakhtigiisu uu kooban yahay oo labaatan cishana aanuu gaarin, kalfadhigiisii koowaad fadhigiisii 8aad ayaan soo xirnay, waxyaabihii ugu horreeyay ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa dib u eegista dastuurka dowlad goboleedka Hir-shabeelle, qodobadii ugu dambeeyay ee laga hadlay waxay ahayd labo qodob oo Dastuuri ah oo wax laga bedelay”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “Qodobka koowaad waxa uu ahaa qodobka sadexaad ee cutubka 31aad oo khilaafsanaa dastuurka dowladda federaalka, kaas oo la waafajiyay dastuurka dowladda Soomaaliya, qodobna waxa uu ahaa qodob sheegaya golaha baarlamaanka marka uu muddo xileedkiisu dhamaado in guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedku uu kala diraayo, kaas oo lagu bedelay baaralamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle iyo guddoonkiisaba waxaa bedeli kara guddoon iyo baarlamaan cusub”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu faahfaahiyay qodobka hore sababta uu ku khilaafsan yahay dastuurka federaalka oo uu sheegay in qodobka saddexeed ee cutubtka 31aad uu qabo in xildhibaanku uu xilkiisa ku weynayo haddii uu qabto xil wasiir, waxaan waafajinay, ayuu yiri guddoomiyuhu, Dastuurka federaalka oo qaba in xildhibaanku uu wasiir noqon karo.

Waxa uu ka hadlay guddoomiye Cusmaan xubnaha aqalka sare ee maalmulka Hir-shabeelle iyo halka uu marayo, waxaanuu yiri;

“Taas waan ku talo jirnaa weyna dhamaaneysaa wakhtiga ugu dhakhisyaha badan, waxyaabaha  baarlamaanku qaban doono maalmaha nagu soo aaddan ayay ka mid tahay doorashooyinkaasi, musharixiintii ayaa ku soo qulquleyso magaalada Jowhar meel fiican ayayna mareysaa, 8 qofna waa iska diyaar maalmo ayay ku dhamaaneysaa waana diyaarsan yihiin, Madaxweynuhu hadda safar ayuu ku maqan yahay marka uu yimaaddo howshaan horey ayaa laga dedejinayaa, dowlad goboleedka Hir-Shabeelle shacabkeeda iyo baarlamaankeeda madaxdeeda waa dad gacmaha is haysta waxaana sahlanaaneysa in wakhti kooban wax lagu dhameeyo”.

Ugu dambeyn, xubnaha aqalka sare u matala maamul goboleedyada ayaa intoodii badneyd la soo gudbiyay halka ay harsan yihiin oo qura, Hirshabeelle iyo xubnaha Somaliland u matalaya aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News