U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo sheegay in Doorashada Ay Waqtigeeda Ku Dhaceyso

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in doorashada maamulka uu waqtigeeda ay ku dhacayso, waxaana uu intaas ku daray in aysan jiri doonin wax waqti kororsi ah oo loo sameeyo maamulkaasi.

“Dastuurka dowlad goboleedka waxaa uu qorayaa Mandate-ka he’adaha dastuuriga ah ee fulinta iyo sharci dejinta in afar sano yahay, Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle kuma qorna waqti kororsi iyo baarlamaanka waqtigaas jooga in wax loogu daro intaba kuma qorna afarta sano markii ay dhammaanto in doorasho la qabto la cusboonaysiiyo ayuu qorayaa” ayuu yiri.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri”  Bishii September waxaa la magaacaabay guddigii farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle, runtii guddigaas waxaa lagu magacaabay si dastuuri ah, waxaan leeyahay guddigaas waa guddi dastuuri ah, waa guddi shaqadii loogu talo galay in ay qabtaan loo idmaday, waxaan leeyahay shaqadiina qabsada”

Dhanaka kale  Guddoomiye Cismaan ayaa yiri “ Waxaan leeyahay odoyaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ah ee soo dhisay dowlad gobleedka Hirshabeelle waxaan ka codsanayaa in ay yimaadaan Hirshabeelle si ay u dhisaan oo ay u soo xulaan golaha, sida uu qabo dastuurka waxaa soo xulayey xubnhii hore doorasho kuma imaanine beelaha ayaa soo xulayey waxaana soo gudbiyey odayaasha”

Hadalkan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Waare uu ka horyimid guddiga iyo hawlaha socda,

Goobjoog News