U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Digniin u Diray Xildhibaannada Saxiixa Buugga Xaadirinta Kadibna Iska Taga

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 20-naad, Kalfadhiga 7aad ajendayaashiisa waxaa ka mid ahaa warbixinta Guddiga Maaliyadda ee ku saabsan xisaab xirka 2014-ka, Akhrinta 3-aad sharciga Saxaafadda.

Kulanka Baarlamaanka waxaa maanta soo xaadiray 142 Xildhibaanada, waxaana furay Guddoomiye ku xigeenka Jaylaani Nur Ikar

Jaylaani Nur Ikar ayaa sheegay in  Xildhibaanada buugga saxiixay ay gaarayaan 142 balse uu kulanka ku furmay ilaa 100 Xildhibaan, isagoo isweydiiyay halka ay aadeen tirade Maqan.

Jaylaani Nur Ikar oo careysan ayaa eedda dusha ka saaray xogheynta iyo Xildhibaanada, waxaa uu ku amray xogheynta in ay soo diiwaan galiyaan markaas inta fadhisay, Inta Saxiixday ee baxday iyo xitaa Xildhibaanada aan iman isagoo sheegay in cid walbo lala xisaabtami doono.

Xildhibaanada laga hor akhriyay xisaab xirka 2014-ka kaas oo mar hore ay aheyd in ay dhacdo, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay shaxda dalalka deeqda laga helay iyo Lacagihii la helay.

Waxaa sidoo kale akhrinta 3-aad maray xeerka Saxaafadda, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa looga jawaabay dhamaan su’aalo ay ka weydiiyay guddiga warfaafinta arrimaha ku saabsan xeerka Saxaadafadda, xeerka ayaa la sheegay in la ansixin doono Malmaha soo socdo.