U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo Ka Warbixiyay Xaaladda Baarlamaanka Maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xaaladda shaqo ee baarlamaanka Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyay shaqada baarlamaanka iyo waxyaabihii u soo qabsaamay, waxa uu sheegay in baarlamaanka maamulku dhisan yahay sanad wax yar dhiman isla markaana ay howlo farabadan u soo qabsoomeen kuwo kalena ay horyaallaan oo ay harsan yihiin, waxa uu yiri “kalfadhigii koowaad ma aanuu xirmin weli, sabab ku saabsan shaqooyinka u yaalla Jubbaland dhameystirkeeda, waxaanan rajeynaa in bisha Marso uu soo xirmi doono kalfadhiga Koowaad”.

Waxa uu guddoomiyu ka dhawaajiyay shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay qabtaan baarlamaanka oo uu ku sheegay iney ka mid ahayd ansixinta miisaaniyad sanadeedka maamulka ee 2016 oo ay ansixiyeen 16 Feraayo 2016.

Waxa uu ka warbixiyay safar ay ku soo gaareen magaalada Muqdisho oo ahaa casuumaad ay ka heleen baarlamaanka Federaalka, taas oo ku aadaneyd arrimaha dib u eegista dastuurka, isagoo yiri guddomiyuhu waxaan ka qeyb galnay soo bandhigidda qodobadda dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameeyay oo ay soo bandhigayeen guddiga baarlamaanka ee arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee arrimaha dib u eegista dastuurka.

Waxa uu guddoomiye Cabdi Maxamed Sheegay in intaa ka dib ay shir la galeen guddoomiyaha baarlamaanka, kaas oo ay maalmo ka socday Villa hargeysa loogana hadlayay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo sida looga tala galinayo maamul goboleedyadii dalka, kulamadaas oo ku dhamaaday is afgarad iyo wada shaqeyn, waxaanuu yiri haddii qodobaddii la isla meeldhigay sideeda loo fuliyo Soomaaliya dan badan ayaa ugu jiri doonta.

Waxa uu guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in uu jiray heshiis la doonayay iney saxiixaan guddoomiyeyaasha maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka, laakiin aaney suuro gelin maadaama ay maqnaayeen wafdigii laga casuumay Puntland aaney iman Muqdisho.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in wadatashiga arrimaha dib u eegista dastuurka ay ka qeyb qaadan doonaan dhammaan shacabka Jubbaland lagana talagelinayo, isagoo dhinaca kalena u sheegay shacabka deegaanada ay Al-shabab ku sugan yihiin ee maamulka in dhawaan laga xorreyn doono.

Goobjoog News