U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka Ee Baqdaad “SAWIRRO”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay Soomaaliya uga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirkaasi.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Ciraaq waxaana isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq khudbado ay shirka ka jeediyeen wadajir ugu soo dhaweeyeen wufuudda ka socota dalalka Iskaashiga Islaamka Baqdaad iyo guud ahaanba dalka ciraaq ayagoo sidoo kalena ka hadlay muhiimadda ay dowladda Ciraaq u leedahay marti gelinta shirkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey shirka ay u mahad celiyey dowladda iyo shacabka Ciraaq sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaana dhanka kale uu khudbaddiisa oo aheyd af Carabi uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda ay oo ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PIUC ayaa soo gebageboobi doona maalinnimada khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25ka January ayadoo gebagebadiisana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii shirka looga hadlay.

Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (12) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (10) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (8)—-DHAMMAAD—-