U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Villa Hargeysa Ku Qaabilay Kaaliyaha QM u Qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha barakacayaasha Dr Walter Kaelin.

Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kulanka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa ku xigeenka ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya Peter de Clerc iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay dadka barakacayaasha ah ee ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu dilootay.

Saraakiishii ka socotay Qaramada Midoobay ayaa ballan-qaaday iney wax ka qaban doonaan baahiyaha jira ee lagama maarmaanka ah.

Ugu dambeyn Guddoomiye Jawaari ayaa u mahad-celiyay xubnihii QM taageerada joogtada ah oo ay la garab-taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed.