U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo la Kulmay Dhigiisa Dalka  Sweden

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaal ku joogay dalalka Sweden iyo Finland ayaa Jimcihii kulamo la qaatay afhayeenka baarlamaanka Sweden Mr.Tobias Billstrom iyo weliba duqa magaalada Stockholm Mr’s. Karin Wanngard.

Kulamadan oo ahaa kuwo gooni gooni ah, ayaa ugu horreyn guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi Sweden Mr. Tobias Billstrom, waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dhinac, isku xirka baarlamaanada Somaliland iyo Sweden, doorashooyinka Somaliland, taabo-gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo weliba is faham buuxa oo ay isla garteen sidii ay dawladda Sweden ay u taageeri lahayd Ictiraaf ay Somaliland ka hesho Sweden iyo dalalka kale ee caalamka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu kulan la la qaatay Duqa magaalada Stockholm Mr’s Karin Wanngard, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xiriirka golaha deegaanka Stockholm iyo goleyaasha deegaanka Somaliland.

Goobjoog News