U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Balcad: Ciidanka Amniga Wey Sugeen Amniga Degmada

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in isbedal amni oo la taaban karo uu ka jiro degmadaasi oo ka tirsan degmooyinka gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa been abuur ku sheegay in degmada Balcad ay ka dhacaan falal amni darrada la xiriira.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha inay jiraan dad doonayo in shacabka degmadaasi ku dhaqan ay been u sheegaan si qalqal loogu abuuro.

“Waa warar been ah degmada Balcad amnigeeda wey sugan tahay habeen iyo maalin ciidanka ayaa suga amniga degmada, Koob ciyaareed loo dhigay Labada Shabelle Balcad ayaa lagu qabtay, habeenkii Lix saac ayaad degmada ka tagi kartaa meesha aad doonto” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyay bilashada bishan barakeysan ee Ramadan waxay dardar geliyeen howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmadaasi.

Goobjoog News