Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Oo Goobjoog News Uga Warramay Bangiga iyo Kuwa Gaarka Ah, Lacagaha, Cashuuraha Iyo Maalgeshiga

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa wareysi gaar ah uu siiyay Goobjoog News uga hadlay Shaqada Baniga dhexe, Cashuuraha iyo halka ay ku baxaan, Bangiyada gaarka ah iyo sharciyada ay ku shaqeeyaan, waxaan kala sheekeysannay qiimo-dhaca Shillinka iyo sida dalka lacag ku sameysan karo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Bangiga dhexe waxaa uu wareysiga uga hadlay sida Kenya commercial bank xafiis uga furan karo Soomaaliya, caqabado heysto arrinkaas haddii ay jiraan iyo ugu dambeyn sida loo hor-marin karo maalgeshiga dalka ka jira dal iyo dibadba.

Mr. Bashiir Ciise Cali, waxaa ugu horeyn weydiiney shaqada bangiga dhexe ee Soomaaliya  iyo in dadka ka aamin baxeen iyo in kale? isagoo arrintaas ka jawaabayey waxaa uu yiri

“ Waxaan oga jawaabayaa warkaas aad sheegtey oo aamin darrada ah ineysan waxba ka jirin, Bankiga dhexe waa la aaminaa, Hey,aduhu wey la shaqeeyaan oo dadka Soomaalida lacagta siiya halkan ayey soo maraan, wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ayaa isla maamula.

Mushaarooyinka waxaa bixiya bankiga dhexe, shaqada bankiga dhexe  dowladda keliya weeye shaqadiisu iyo inuu ka shaqeeyo lacagaha iyo inuu Kontoroollo Bankiyada kale, teeda kale lacagaha dowladda ma ahee lacagaha kale iyo Bangiyo gaar ah la dhigto, wax reeban ma ahan.

Guddoomiyaha waxaa su’aal ka weydiiney lacagta lagala baxay bangiga in ay aaminaad darro keentey, arrinkaas ayuu uga jawaabey:

“Maya ma muuqato amaain darro  waxba kama jiraan  bankiga haddii lacag lagala baxay  wax dadka saameyn ku leh maahan, lacagta bangiga ayaa laga dhacay,   haddii bankiga lacag laga qaatay dad lacago lagama qaadan  in banki lacag laga qaato waa wax iska caadi ah aduunka oo  dhan ayey ka dhacdaa,

Wixii la dhaco, waa wax la dhacay, wixii la xado waa wax la xaday, teeda kale lacagta la dhacay Bangiga ayaa laga xaday ee mid dadka leeyahay ma aheyn.

Teeda kale, waana oganay in la dhacay lacagtaas arrintaasana si wanaagsan ayaa loo maamulay waxayna aheyd in dadka loo sheego waxii la dhacay waana loo sheegay .

Guddoomiyaha Bangiga dhexe waxaa sidoo kale wax ka weydiiney canshuuraha Dowladda isagoo ka hadlaya waxaa uu yiri:

Canshuurha lacagaha way ku soo dhacaan bankiga dhexe,   canshuuraha dowladda waxaa ay ku waddaa dib u habeyn, wixii tiro ah oo inta soo xaroorto ah wasaaradda maaliyadda ayaa ku shaqo leh oo bogeeda ayuu ka fiirsanayaa.

Halka kuu marayo heerka dhaqaalaha waa su’aal kale oo la weydiiyey guddmiyaha, wuxuuna uga jawaabey “ Dhaqaalaha Soomaalida guud ahaan waa uu fiicanyahy saad ka warqabto, dhaqaalaha waxuu u badanyahy gacmaha gaarka ah ama waa mid gaar loo leeyahy,  dowladda markaas way fududeysaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxii la mid ah ayey xoogga saartaa inkastoo dhisidda kaabayaasha ay u baahantahy, dhaqaale, waxay u baahan tahay ammi .

Soomaaliya waxay ka mid tahy dalalka ay dhaceen colaadaha  iyo dagaaladda oo hadana sanad kasta uu dhaqaalaha kordho, korsiimihii ugu dambeeyay waa socotaa, marka mahan qofsta oo oo Sooomali ah inuu ladanyahy waad ogtahy hadda waxaa yaraanayo dhoofka xoolaha, oo dhibaato badan jiraan.

Mala socotaan shaqada bangiyada kale? Ayaa la weydiiyay guddoomiyaha bangiga dhexe. “Haa, Wax badan ayaan kala soconaa,  bankiyada Soomaalida  oo gaarka ah  6 banki ayey marayaan,  bankiyada hadda jira si  fiican ayey u shaqeeyaan  markii la fiiriyo waddanka dhaqaalihiisa iyo sidii wax loo sameyn karo  iyo xajmiga ay yeelan karto, laakin si fiican ayey u shaqeeyaan, Bangiga dhexe ayaa leysan siiya, Kontoroola isla markaana hubiyo in nidaamka Bangiyada ay maraan,  marka bankiyada gaarka loo leeyahy waxay  ka qaab qaadanayaan horumarka dalka.

Arrinta Lacag: Lacag qiimo dhacday ma jirto shilinka Soomaaliga waa uu shaqeeyaa in lacagta aan laheyn keyd  ama Banki oo hadan ka badan majirto  waa ay jiraan xoogaa inuu duugmo shilinka Soomaaliga lkin lama dhihi karo guud ahaan waa uu qiimo belay, lacaga Mobillada lagu shubto waxbey fududeynayaan.

Dhinaca kale, Lacag haddii la rabo in la soo daabaco ayaa loo baahan yahay, taleedada waxaa waddo dowladda dhexe iyo Bangiga dhexe labaduba, waxaa kaloo ay la wadaan Sanduuqa Lacagta Adduunka, in lacag la soo saaro aad uma foga, marka arrimahaas waa arrimo socda oo howshoodu ay socoto.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe waxaan sidoo kale su’aalo ka weydiiney  heshiiska ay galeen dowladda Soomaaliya iyo Kenya iyo in bangiyada Kenyaanka imaanayaan dalka

“Heshiiskaas waxa uu dhexmaray labo dowladood oo heerar kala duwan leh heshiiskaas  madaxweynayaasha ayaa badanaa,  hogaamiyeyaasha labada dal,  iyagaa wax ku heshiiya laakiin markii heshiisyada noocaas oo kala ah  ay kacaan hoos ayuu u soo dageaa, hoos markuu isoo dagana waxyaabihii qaranka  oo kale oo hoose  heshiiskaas waxa uu ku saabsanaa banki, Labada banki oo dhexe ayaa ku shaqo leh  oo kala a bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo midka Kenya.

Bankiyada ciddii dooneysa waa iney soo warstaa  waa iney nidaam soo martaan, heshiis kaliya kuma eko waa iney keentaa  waxa uu qabto iyo sharuucda  iyo nidaamka  waa iney foom soo buuxisaa , marka heshiiskaan labada banki sharuudihii laga rabay cid soo martay majirto  wax macluumaad ah oo naloo keenay oo dheeri ah majiraan.

Caqabado miyaa jira, waa su’aal kale oo la weydiiyey

“ Ciddii wax dooneysay oo ah dhanka Kenya waxba ma soo gudbisan,   haddey wax soo gudbisadaana waxaa jira sharuuc  la raaco ayaa jirta waddanka xaquuq ayuu leeyahy marka wax iska fudud maahan waa wax waqti qaadanaayo waaye,  wax ku xiran labada banki xitaa waxaa ah labada dhinac waa iney galaan heshiis hoose, waa wax ku xiran iney soomaaraan waxii looga baahnaa waddankaan oo dhan…wixii kasoo hooseen lahaa, waxaa laga rabaa cidii wax dooneysay, mana dhicin, suuqa waxaa la soo geliyay waa yimaadeen, waxbeyn dhisanayaan, arrintaas ma jirto.

Ma waxaa jiro bangiyo caalami ah ii sidaa doonaya: “Maya ,laakin waxaa jirta daneyn bankiyada caalamka waa ay daneynayaan iney Soomaaliya ay xarumo ku yeeshaan laakin ilaa iyo hadda wax codsi ah ma heyno.

Ugu dambeyntii, waxaan weydiiney in dalka uu ka jiro maalgeshi?

“ dagaal sokeeye marka uu dhaco wax badan ayey qaadaneysaa in maalgeshi la helo, maal-geshiga dadka Soomaalida ayaa sameyn kara qeyb kalana, waxaa ay ku xiran tahay nabadda iyo siyaasadda dalka ka jira, marka maalgelintii waa ay socotaa, laakin maalgelin dibadda haddii la rabo waqti ayey qaadaneysaa.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW