U bood dhigaalka

Guddoomiyaha CAF: Waxaan Afhayeen U Noqon Doonaa Kubadda Cagta Soomaaliya, Sawirro

Sheeko:Dalka

Waxa maanta magaalada Muqdisho booqasho ku yimid guddoomiyaha ururka kubadda cagta ee qaaradda Afrika Axmed Axmed, isaga oo la kulmay madaxda dowladda federaalka oo ay ugu horreyso Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga.

Wasiirka dhalinyarada iyo sportiga, Guddoomiyaha CAF, guddoomiyeyaasha xiriirrada kubadda cagta ee Soomaaliya iyo Djibuoti iyo madax kale ayaa soo booqday garoomada 3-da ah ee lagu cayaaro kubadda ee magaaladan Muqdisho sida Stadium Mogadihsu, Banaadir Stadium iyo garoonka Jaamacaha.

Marwo Khadiijo oo sida aan sheegnay guddoomiyaha ku wehlisay booqasho uu ku sameeyay goobo badan oo caasimadda ah ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta cayaaraha gaar ahaan kubadda cagta.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Khayre waxaa ay wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga, waxaa ugu talogaleen wasaarad in si rasmi ah dhalinyarada u hormariso, Sportigana u hormariso”

“Waxaan soo marnay tan iyo markii uu soo dagay guddoomiyaha iyo wafdigiisa uu ka mid yahay Saleebaan Xasan Waaberi, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Djibouti, waan ogtihiin Djibouti waxaa ay noo aheyd gurigii 2aad oo aan ku ciyaari jirnay, waxaa ka go’ay xukuumadda J.F ee Soomaaliya in la horumariyo Sportiga iyo dhalinyarada, adinka ayaa kow ka ah iyo kuwa kale oo idiinka weyn”

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayey uga mahadcelisay sida carruurta ugu tarbiyeeyeen cayaaraha, si ay uga mashquulaan xabadaha.

“Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliyeed waxaa aan ugu mahadcelinaa in ubadka yaryar lagu tarbiyeeyo, oo aan lagu tarbiyeynin qori iyo xabad iyo bambo tuuris, marka dhammaanteen waxa aan ciyaareynaa kubad, gaar ahaan kubadda cagta, garoomada waa la casriyeynaa, waxaa ay astaan u tahay isdhexgalka bulshada”.

Dhinaca kale, waxaa isna booqashadiisa ka hadlay guddoomiyaha CAF Axmed Axmed, isaga oo marka  hore dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay casuumaadda.

“Waxaan ugu mahad naqayaa xukuumadda Soomaaliya casuumadda, aad ayaan ugu faraxsanahay in booqashii ugu horreysay aan ku imaado Soomaaliya, waa wax aan ku qasbanahay in aan sameeyo haddii aad tahay guddoomiyaha kubada cagta, waxaan ku qasbanahay waddan walbo in aan tago, waxaan ku faraxsanahay adinka oo noloshan ku jira in aad kubadda jeclaatiin”

Axmed, waxaa uu ka hadlay in barnaamijkiisa uu ahaa horumarinta kubadda cagta

“Sida aan ku sheegay barnaamijkeyga xilligii doorashada ma ahi guddoomiye kubadda qaban-qaabinaya ee waxaan ahay horumarka kubadda u heelan”

Ugu dambeyntii, waxaa uu ballan-qaaday in uu Afhayeen u noqon doono kubadda cagta ee Soomaaliya

“Sida wasiirka hadda ay sheegtay, haddii aad ka qeyb gashaan horumarka kubadda, nabadda iyo is dhexgalka bulshada, aniga diyaar ayaan u ahay in kubadda cagta aan gacan siiyo, waxaa idiin ballan-qaadayaa in aan idiin noqon doono afhayeen”

Axmed Axmed, waxaa la doortay March 16 sanadkan kadib markii uu Ciise Xayaatu uga adkaaday  34/2

Sawirro: Xuquuqda Sawirrada, Goobjoog News

 

 jijo9 jijo8 jijo6 jijo5 kijo4 gfgf11 j12 fgfgf13 gfgf1 jijo1 jijo2 jijo3