U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Ceel-cade oo Kenya ku Dishay Gedo

Sheeko:Dalka

Gudoomiyihii Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday weerar ka dhacay duleedka Degmadaas
Iska hormaad u dhaxeeya Ciidanka Kenya iyo kuwa Al Shabaab ayaa ka dhacay meel u dhow Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo halkaas oo ay banneeyeen maalin ka hor Al Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid wax yar uun ka dib markii Ciidamada Kenya ay ka ruqaansadeen Deegaankaas kuwaas oo dagaal uu ku qabsaday Deegaanka Ligoolay oo u dhow Degaanka Ceel-cadde.
Warar hor dhac ah oo laga helayo Degaankaas ayaa sheegay in labada dhinac uu dagaalkaas ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in Ciidanka ay ku dileen Tuulada Shiileey oo u dhaw Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Goobjoog News