U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yarisow Oo Xilka La Wareegay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo ku-xigeenadiisa ayaa habeennimadii Isniinta xilka kala wareegay mas’uuliyiinta hore ee gobolka.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay  ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye  ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Madaxweynaha Hirshabeelle, Xildhibaano, Senatoro Guddoomiyeyaashi hore Tarsan iyo Muungaab.

Maamulka cusub waxaa horyaallo in ay wax ka qabtaan arrimaha amniga, adeegyada iyo bilicda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Cusub Ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow waxaa uu horay ugu soo dhex-jiray siyaasadda dalka, isagoo weli marka xilka loo magacaabay ahaa  Wasiirka Warfaafinta & Hanuuninta  Dadweynaha.

Waa aqoonyahan heysta shahaadaha Masterka, mudadii 9sano ahayd ee ugu dambeysay waxa uu ka shaqeynayay dalka, xilal kala duwan ayuu dalka kasoo qabtay Wasiirka Lacagta, wasiirka warfaafinta, la taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo Afhayeenka madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Injineer Yariisow waxa uu ka mid ahaa qorbajoogga Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa dalka UK, waxa uu xubin firfircoon ka soo noqday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, isagoo muddo 10sano ahna dowladda hoose ee magaalada London uu kasoo shaqeeyay heer agaasinna uu ka gaaray, Kheyre xukuumaddiisa waxaa uu ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha.

Goobjoog News