U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Cadaado oo Xilka Lagu Wareejiyay

Sheeko:Amniga

Munaasabad kooban oo ay goobjoog ka ahayeen Wasiirro ka tirsan Galmudug, taliska Booliska Cadaado, Guddoomiyaha degmada Baxdo, Golaha degaanka Degmada Cadaado, qaar katirsan golaha degaanka degmada Galkacyo, Maamulka cusub iyo maamulkii hore ee xilka wareejiyay oo ka dhacday Xarunta madaxtooyada degmada Cadaado oo xalfladda lagu qabtay.

Munaasabaddaan ayaa waxaa u jeedkeedu ahaa xil kula kale wareegidda guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame iyo guddoomiyihii hore ee degmada  Cabdiraxmaan Tootole oo si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoonka cusub oo maalinimadii shalay golaha deegaanku ay ku doorteen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Inta ay socotay xafladaan xilwareejinta ah ayuu Xoghayaha Degmada Cadaado waxuu aqriyay qoraal lagu soo koobay shaqaalaha degmada Cadaado qalabka degmada iyo dhulalka danta guud intaas kadibna guddoomiyihii hore ee Cadaado Cabdulahi Cabdirahman Tootole ayaa si rasmi ah xafiiska degmada ugu wareejiyay Maamulka cusub ee lasoo doortay.

Faarax Diiriye Warsame guddoomiyaha cusub ee Degmada Cadaado ayaa dhankiisa uga mahad celiyay guddoomiyihii hore sidaa qurxoon oo uu ugu wareejiyay shaqada, waxaaana uu noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee degmadu ay yeelato, kaas oo ay soo doortaan gplaha deegaanka Cadaado oo dhowaan la dhisay, halka horay guddoomiyaha loo soo magacaabi jiray.

Goobjoog News