U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Xilka La Wareegay

Sheeko:Dalka

Munsaabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabadan waxaa ka qeybgalay wasiirka cadaaladda ee xukuumadda federaalka ah, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, guddoomiyahii hore ee maxkamadda sare iyo mas’uuliyiin kale.

Ibraahim Iidle Suleymaan, guddoomiyahii hore ee maxkamadda sare ayaa sheegay in mudadii uu joogay uu qabtay waxyaabo badan, isaga oo dhanka kale ku dhaliilay hay’adaha fulinta ee dowladda fulin la’aanta go’aannada maxkamadda iyo arrimo kale.

“Waxaa iga horymid caqabado oo ay ugu horreyso fulin la’aanta go’aannada, xukunnada, ammarada garsoorka kasoo baxa, qofka muwaadinka ah oo wixii loo xukumay inta uu ku dacwoonayey waxaa ka dhib badan inta uu doonayo in loo fuliyo wixii loo xukumay” ayuu yiri Ibraahim Iidle.

Baashe Yuusuf Axmed, guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu horreyn u mahadceliyey guddoomiyahii hore iyo shaqada uu qabto.

Waxa uu sheegay guddoomiye Baashe in isaga iyo madaxweyne Farmaajo isla garteen sameynta dib u habeynta garsoorka oo ay ugu horreyso helista guddiga adeegga garsoorka.

“Madaxweynaha waxaan ku ballanay inaan sameynno dib u habeyn ballaaran oo garsoorka ah, waxaa ugu muhiim ah in la helo golihii adeegga garsoorka” ayuu yiri guddoomiyaha.

May 27, 2018 ayuu madaxweyne Farmaajo xilka guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore Ibraahim Iidle Suleymaan.

Goobjoog News