Guddoomiyaha Deegaanka Lafoole Oo Lagu Dhaawacay Qarax Miino

Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow lala eegtay gaari ay la socotay guddoomiyaha Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose Ayaan Xaan, kaasi oo marayey deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Miinadan ayaa ahayd mid dhulka ku aasan, waxay ku qaraxday gaariga ay la socotay guddoomiyaha, waxaana halkaasi ku dhaawacmay guddoomiye Ayaan iyo Saddex ka mid ah ilaaladeeda.

Sidey soo sheegayaan dad ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay, guddoomiye Ayaan iyo askartii dhaawacantay ayaa loola cararay xarumo caafimaad.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo baaritaanno ay wadaan, mana jirto faah faahin intaan ka dheer oo qaraxan laga helay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW