U bood dhigaalka

Guddoomiyaha  Degmada Buurdhuubo oo isku Day Dil Ka Badbaaday

Sheeko:Amniga

Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo waxaana la sheegay in weerarkaasi uu ka badbaaday guddoomiyihi degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen rasaas xooggan oo ay isweedaaesanayeen Al shabaab iyo ciidanka dowladda federaalka ah waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Warka soo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Cabdullaahi Shariif uu si dirqi ah uga badbaaday mana jirto ilaa iyo hadda war ka soo baxay maamulka degmada uu weerarku ka dhacay.

Xaaladda degmada Buurdhuubo ayaa hadda ah mid degan waxaana halkaasi ka soconayo howlgallo kala duwan oo ay wadaan ciidanka dowladda kuwaas oo ay ku xaqiijinyaan amnaaka degmadaasi.

Goobjoog News