U bood dhigaalka

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis oo ka hadlay dan yar loo qeybiyay dhar ay ku ciidan

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”36″]

Guddoomiyha Degmadda Cabdicasiis ee Gobalkan  Banaadir Cismaan Muxudiin Cali  ayaa faafaahin  ka bixiyay 500 qoys oo ku nool Degmada uu guddoomiyha u yahay oo maanta la gaarsiiyay Deeq Dhar ahayd oo loogu tala galay in ay ku ciidaan Caruurta Agoonta ah iyo waalidiintooda ,waxaana ay ka heleen Hay”dda Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka carabta.

Saciid Cabdalla, Madaxa Mashaariicda Carabta oo goobta dharka lagu bixiyay ka hadlay ayaa sheegay sababaha ugu weyn ee Deeqdaasi ay kaga gol leeyihiin in ay tahay Caawinta Shacabka Muslimiinta ah ee aanan awoodin in ay iibsadaan dharka ay ku ciidi lahaayeen.

Qaar ka mid ah shacabkii maanta helay Deeqdaasi dharka ahayd ayaa ka mahad celiyay iyagoo sheegay in xilli ay u baahnaayeen ay ka heleen Bisha Cas Dowladda Imaraadka Dharka ay ku ciidi lahaayeen.

Hay’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaradka carabta ayaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay deeqo raashin bisil ah gaarsiinaysay Barakacayasha iyo dadka danta yar ee ku nool degmooyinka Gobalkan Banaadir iyo Duleedkooda.