U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Deyniile oo Ka Jawaabay eedeymo Tacaddi Ah oo Loo Jeediyay

Sheeko:Amniga

Maxamed Abuukar Jacfar guddoomiyaha degmada Deyniile ee gobalka Banaadir oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay eedeymo la xiriira tacaddi oo maalmihii la soo dhaafay ay ku eedeeyeen dhalinyaro ku nool degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in degmadiisa uu yaal xabsi si gaara loogu ciqaabo dadka dhaliila siyaasadda guddoomiyaha degmada Deyniile, balse Maxamed Abuukar Jacfar ayaa eedeyntaas gaashaanka u daruuray isaga oo ku tilmaamay inay tahay waxba kama jiraan.

Waxa uu sheegay inaysan marnaba ka go’nayn dhibaataynta shacabka balse ay mar walba isku xilqaamaan sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen isaga oo intaas raaciyay in dhalinyarada dhaliisha u jeedisay ay yihiin dhalinyaro ka shaqeysa degmada islamarkaan iyaga dhexdooda ay isku dhaceen.

Guddoomiye Jacfar ayaa intaas raaciyay inaysan marnaba raali ka ahyn in qof shacab ah lagu sameeyo wax xadgudub ah isaga oo yiri “Shacab lagu dhibaateeyay ma jiraan degmadaan anagu waxaan u joogno waa shacabka aan dhibaatadana ka ilaalino wixii hormara oo ay u baahan yihiinna aan u qabano dhalinyarada wararkoodu wey isoo gaarayeen ma ahyn shacab ka yimid bannaanka ee waxa ay ahaayeen dhalinyaradii degmada ka shaqeynaysay waxa ayna ahayd wax iyaga dhexdooda ka dhacay annaguna raali kama nihin in qof shacab ah xadgudub loo geysto”.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in qofkasta oo qalad gala ay ku qasbanyihiin inay soo xiraan taas badalkeedana aysan dhici doonin in inta qof dambi galo la sii daayo isaga oo ku nuuxnuuxsaday in siyaabooyin kala duwan loo qaado qaladka ka dhex dhaca maamulka degmada iyo kan ay geystaan dadka shacabka ah.

“Tan kale qofkii iyadu qalad sameysaa sharciga inay marto ayey ku qsbantahay maahee inta qalad sameyso la iska deynmaayo in la soo xiro waa lagu qasbanyahay qaladku marka maamulka dhexdiisa mid ka jira ayuu noqdaa marna waxaa jiraa wax shacabka dhexdiisa ka dhaca waddada ay leedahay ayey maraan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Deyniile.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyay in xabsi la yiraahdo Cusboole lagu xiro dadka shacabka ah waxa uuna arrinkaas kaga jawaabay in xabsigaasi lagu xiro askarta qaladaadka geysata balse shacabka lagu xiro saldhigga degmada Deyniile.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli Bulshaawi Xasan Axmed iyo Cabdicasiis Haaraay oo ka mid ah dhalinyarada degmada Deyniile ay Goobjoog News u sheegeen in tacaddi ka dhan ah xuquuqul aadanaha uu kula kacay guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Bulshaawi Xasan Axmed ayaa Goobjoog News u sheegay in 19-kii April lagu dhibaateeyay xabsiga Cusboole ee degmadaasi isaga oo yiri “Xaqiiqatan kiiskaas waa igu dhacay waaa sax 19-kii April ayuu igu dhacay waxaa igu sameeyay maamul jira oo ka dhisan degmada Deyniile sidaas darted dhibaatadaas I gaartay aad ayaan uga xumaaday waxay ahayd wax bani’aaddanimada ka baxsan”.

Dhiniciisa Cabdicasiis Haaraay oo ah wariye madax bannaan ayaa sheegay in la xiray ka dib markii bartiisa Faceboogga uu ku qoray israsaaseyn dhexmartay ciidanka dowladda iyo ciidamada Guddoomiyaha Deyniile waxa uuna xusay in gurigiisa xilli habeen ah lagu soo weeraray gaadiid dagaal isaga oo intaas ku daray in jirdil loo geystay.

“Dhibaateyn iyo israsaaseyn dhexmartay isaga iyo ciidanka dowladda waxaas ayaan Facebook ku qoray oo la igu xiray gurigeyga todoba saac oo habeenimo ayaa loo soo dhacay saddex Cabdi bile ayaa la igu soo weeraray ilmahayga argagaxaa lagu abuuray aniga jirdil ayaa la ii geystay waa la I xiray ka dib waxaa la igu yiraahday xorriyaddaada waxaa ku doorataa inaad raali galin bixiso” ayuu yiri Cabdicasiis Haaraay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa si aad ah loo hadal hayay in guddoomiyaha degmada Deyniile uu xabsi gaara ku dhibaateeyo dadka dhaliila isaga iyo maamulkiisa.

Goobjoog News