U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Hobyo oo Ka Hadlay Dooni Kusoo Xiratay Dekeda

Sheeko:Dalka

HobyoGuddoomiyaha degmada Hobyo Maxamed Maxamuud Cawaale ayaa ka hadlay dooni ganacsi oo kuso xiratay dekada Hobyo markii ugu horeysey muddo badan oo sanooyin ah, wuxuuna sheegey in uu yahay horumar weyn oo biloowdey.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu tibaaxay in dekeda ay xirney muddo dhawr iyo tabon sano ah, balse maanta markii dhibaatadii burcad badeeda ay yaraatay in horumarkiina uu biloowdey.

Wuxuu tibaaxay in Hobyo ay waligeedba ahayd xarunta ganacsiga gobolada dhexe, qorshuhuna uu hada yahay in sideedii hore lagu soo celiyo, wuxuu xusey in aslaaxinta nabadgalyada ay gogol xaar u ahayd in hawlihii ganacsiga ee dekeda ay biloowdaan.

Mar uu ka hadlayay kheyraadka gobolka uu leeyahay ee looga faa’iidan karo dekedani ayuu sheegey in gobolka ay ku noolyihiin xoolo badan kuwaasi oo dekada laga dhoofin karo, isagoo illaahay ka rajeeyey in dadka arkaan barwaaqada uu gobolka leeyahay.

Qurba-joogta iyo ganacsatada u dhalatay gobolada dhexe ayuu ugu baaqay in ay dhulkooda maalgashi ku sameeyaan.

Dekada Hobyo waa deked qadiimi ah, waxay shaqayn jirtey illaa muddo qarniyo ka hor ah, iyadoo ahay xarun ganacsi oo weyn.

Goobjoog News