U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley oo Qarax Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in qarax maanta ka dhacay degmada Qoryooleey lagu dilay guddoomiyihii degmadaas Sayid Cali Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa waxaa qarax Miino lagula eegtay duleedka degmada xilli uu marayay, waxaana sidoo kale qaraxa kula geeriyooday qaar kamid ah ilaaladiisa oo la socday.

Ciidamada dowladda iyo kuwa degmada oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka qaaday halkaas meydka marxuumka dhintay, waxaana ay sameeyeen baaritaanno.

Al-shabaab ayaa marar badan qeybo kamid ah gobolka qaraxyo kula beegsaday mas’uuliyiin kale duwan, waxaana geerida ay kusoo aadaysaa xilli gobolka ay ka socdaan howlgallo.
Goobjoog News