U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan “Madaxweynaha Ayaa ii Xil Saarey Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Sheeko:Dalka

cabdifataax Xassan afraxGuddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Federaalka Cabdifataax Xassan Afrax ayaa meel fagaaro ah ka sheegey in madaxweynaha Soomaaliya uu isaga usoo xil saaray arrimaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Wuxuu meesha ka saaray warar la’isla dhexmarayay oo sheegayay in sedex gobol laga dhigayo maamulka “Arrintaasi waa been, waana xan, madaxweynaha aniga ayuu arrintaasi iisoo wakiishey kama maqal afkiisa, wasaarada arrimaha gudahana waa nala joogtaa wax qorshe sedex gobolna nooma sheegin” ayuu yiri Cabdifataax oo dad kula hadlayay magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegey in la dardar galinayo arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, wuxuu intaasi ku daray in rabitaanka shacabka la tixgalin doono.

 

Dhageyso

Goobjoog News