U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

Sheeko:Dalka

Cabdifataax Xassan AfraxGuddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Xassan Afrax ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Copenhagen ee Hiigsiga Cusub oo isagu qabsoomey 19-kii bishan.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee beesha caalamka ka fulineyso gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka mid ah qorshaha Hiigsiga Cusub.

“Illaa 8 mashruuc ayaa ka socda gobolka Hiiraan, waxaa ka mid ah garoonka ciyaaraha Baladweyne, suuqyo waaweyn oo la dhisayo, waddooyinka oo leerarka cadceeda ku shaqeeya la galinayo, isbitaalka oo lagu rakibayo leerar , lana qalabaynayo, iyo biyaha (fatahaada) wabiga oo la maareynayo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu sheegey in adduunka uu doonayo in uu caawiyo Soomaaliya, Soomaaliduna tahay in ay iyaga gacmaha is qabsadaan, kana gudbaan dhibaatada dhexdooda ah.

Dhageyso

Goobjoog News