U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Xaliyay Colaad Ka Jirtay Degmada Matabaan

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa isaga iyo mas’uuliyiin la socday waxaa ay ku guuleystay dib u heshiisiinta beelo muddooyinkii ugu dambeeyay isku geystay dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka labada dhinac.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa gaaray degmada Matabaan, iyagoo muddooyinkii dambe qeyb ka ahaa howlgallo ka socday degmada iyo inta u dhaxeysa Maxaas.

Mas’uuliyiinta ayaa ku guuleystay in ay isi soo horgariisiyaan dhaqanka labada dhinac,  waxgaradka degaanka ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qayb qaatay xallinta colaadan gaar ahaanna waxay ugu mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaannada heer Federaal.

Guddoomiyaha gobolka iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka, iyaga oo qeyb ka ahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana ay ku guuleyteen in ay gaaraan deegaanno dhowr ah oo ku jiray gacanta Al-shabaab.

Goobjoog News