U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Mas’uul Xalay Lagu Dilay Walanweyn

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali  Najax ayaa ka tacsiyadeeyay geeridaa guddoomiye ku-xxigeenkii maaliyadda degmada Walanweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto)., kaas weerar  xalay  lagu dilay.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray maamulka degmada, ehelka  iyo qaraabadii uu ka baxay guddoomiye ku-xigeenkii degmada Maaliyadda degmada, kaas oo ku baxay weerar Bombaano oo lagu weeraray hoygiisa.

“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose  ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo koox argagixiso ah ku weeraren hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac ka so garay weerarkaasi  u geeriyooday ugu dambeynta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.

Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno laga sameynayo degmada oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falka lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii degmada Walanweynen, kaaas oo xalay hoygiisa lagu weeraraay qarax Bambaano, isaga oo halkaas ku geeriyooday, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Aabaha dhalay iyo xaaskiiskii guddoomiyaha.

Goobjoog News