U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Saldhigga Berbera

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay mooshin ka dhan saldhigga Berbera oo horyaallo baarlamaanka Soomaaliya.

Moowshinkan  oo ay wadaan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in aynaan xaq u lahayn inay ka hadlaan arrinta Berbera.

Waxa uu sheegay Soomaaliya inay u diidantahay maamulka Soomaaliland horumar iyo inay caalamka wax la qeysadaan,waxa uu intaas ku daray arrinta Berbara inay isku raacsanyihiin maamulka Soomaaliland aysana baarlamaanka Soomaaliya waxba ka qusayn arrintaasi.

“Maxay ka qaban karaan, ma iyagaa leh Soomaaliland, Soomaaliland way isku raacsantahay waxay noo diidayaan intaas yare ee aduunka noo soo jeesanayo,waxaan leenahay baarlamaanka Soomaaliya colka hala joojiyo”.

Dowladda Imaaraad Carabta ayaa waxay heshiis la gashay maamulka Soomaaliland,kaasi oo ku saabsan inay berbara ay ka dhisato saldhig millatari oo weyn,arrinkaasi waxaa durbaba cabasho ka muujiayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool meelaha uu ka taliyo maamulka Soomaaliland oo sheegay in saldhigga millatari ee Imaaraadka uu caqabad ku noqon doono jiritaanka iyo xasiloonida maamulka Soomaaliland.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu sheegay inuu soo diyaarinayo moowshin ka dhan ah sldhigga berbara oo ay sheegeen inuu Imaaraadka uu ku dheelayo qaranimada Soomaaliya taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.

Goobjoog News