U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Netherland u safray

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka iyoo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa u safray dalka Netherland.

Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland, waxa uu kulan la qaadan doonna dhiggiisa dalka Netherland.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta safar shaqo uga ambabaxay magalada Muqdisho asagoo ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyadda Netherland,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiye Madoobe ayaa sidoo kale kulan la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Netherland.

“Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka.
May be an image of 3 people and outdoors
May be an image of 6 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and suit
Goobjoog News