U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Ku Eedeeyey Hurinta Colaad Somaliland Dhexdeeda ah

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in laga wanaagsanaa Faysal inuu sidaas ku hadlo maadaama uu yahay guddoomiye Xisbi loona baahan yahay inuu dhowro xasaanadda, isaga oo ku eedeeyey inuu colaad ka dhex hurinaayo beelaha  dega deegaannada Somaliland sida uu sheegay guddoomiye Baashe.

“ Faysal maahan qof caadi ah oo suuqa jooga waa guddoomiye xisbi oo xisbi qaranka uu leeyahay ayuu joogaa, hadallada uu ku hadlay hadallo kuwo loo dulqaadan karo maaheyn hadal anshaxa ka baxsan ayuu ahaa hadallo gaf ayuu ahaa, aniga shaqsi ahaan waxaa uu iga sheegayo wax kama qabin anigu kursi ayaan fadhiyaa siyaasad ninkii gaaa xaq ayuu u leeyahay in la maago”

Guddomiye Baashe ayaa dhanka kale xusay in guddoomiye Faysal aysan waxba ka galin khilaafka ka dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cismaan Karaash khilaafkaasna uu yahay khilaaf  Puntland.

“ Puntland waxaa isku heysta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waa wax iyaga ka dhaxeeya wax isaga ugu jira dhex galkiisa majiraan lakiin fidno ayuu rabay inuu meeshaas dhex dhigo hadalkiisana waad maqleyseen uu yiri” soo eri madaxana ka goy” sida ilmo yar oo u shaqeeya nin dhan oo guddoomiye xisbiya inuu arrintaas ku hadlo waa dambi qaran” ayuu yiri guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax .

Googjoog News