U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Kismaayo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Wasiiro katirsan Maamul Jubbland.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiinta ka socdo dowlada Qatar ayaa si wadajir ah Magaalada Kismayo Kaga daahfuri doono mashuruuc gargaar raashin ah lugu gaarsiin doono 46,000 oo Qoys guud ahaan dalka gudahiisa oo ay Dowlada Qatar maalgelisay.