U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay safiirka UAE

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Imaaraad-ka carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada hadleen dowrka dowlada imaaraad-ka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowlada imaaraad-ka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xureeyay kooxaha khawaarij-ta.

Safiirka Imaarad-ka Carabta ee Soomaaliya anjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u balan qaaday Hayadda Maareynta Masiibooiyinka in ay sii wadi doonaan garab istaag shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa markii uu kulanka dhamaaday ku wareejiyay Danjire Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi warqad mahadnaq ah iyo hadiyad ka turjumeysa dhaqanka wanaagsan ee Shacabka Soomaaliyeed.