U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hiiraan: Dowladda Itoobiya ayaa Calankeeda Ka Taagtay Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay dowladda Itoobiya ay qabsatay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaaliya, isaga oo ku ku eedeyay in ay ku soo xad gudubtay deegaanno ka tirsan gobalka Hiiraan, oo calan ka taagtay.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in 16 km ay gudaha xududka ay u soo gudubtay Itoobiya, iyadoo Calankeeda ka surtay deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan, waxa ayna soo qabtan askar si sharci daro ah ku soo gashay dalka oo Itoobiyaan ah .

“Tuulada Abaalay 16-KM ayeey ku jirta gudaha Soomaaliya, calanka Itoobiyanaa  ka taagan , Ma garan karno sababta looga taagay 16 kiilo mitir iyo bar ayey gudaha u soo gashay,.” guddoomiyaha gobolka Hiiraan

Guddoomiye Jeyte ayaa intaasi hadalkiisa ku sii daray “Xuduudda Soomaaliya waala yaaqana, in badanna xishooneynay war hala xishoodo, ciidamada sida sharci darada ah u soo galaya waddankana, dhulka aan mas’uulka kanahayna soo galayana indhaha kama Qarsan doono haddii aysan naga xishoon” .

Hadalka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ku soo aadayo iyadoo dhibaatooyinka xadka laga sheego uun dhanka Kenya.

Jimcihii hore ayey Muqdisho yimaadeen taliyaha Guud ee ciidamada Itoobiya iyo Madaxweeynaha Oromia iyaga oo kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliskiisa.

Gooboog News