U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Ka Hadlay Dhibaatada ay Leedahay Shaqaaleysiinta Cadaalad Darrada ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa ka hadlay cadaalad darrada shaqaaleysiinta iney keento fal dambiyeedyo ay ku kacaan dadka baahida shaqo hayso.

Guddoomiyaha maxakamada sare ee Somaliland garyaqaan AadanXaaji Cali oo hadal ka jeediyay xaflad lagula kala wareegayay xilka hay’adda shaqaalaha rayidka ee Somaliland ayaa sheegay in shaqo la’aanta ballaaran ee ka jirta Somaliland ay keentay inay dhacaan falal cadaaladda ka soo horjeeda  oo ay ku kacaan dad baahi shaqo hayso.

“ Qofku waxa uu xaq u leeyahay  inuu shaqo helo  si uu u noolaado  balse shaqo la’aanta dalka ka jirta ayaa falalkaasi keentay waliba kuwa ka mid ahi waxay u noqdaan qaabab aan hore u dhicin”.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in cadaalad darradu ay ka dhalato marka shaqeele la qaadanayo oo labo hay’adood oo isku shaqo ah hadana kala madax banaani ay u xil saran yihiin arrinta shaqaalaha, kuwaas  oo kala ah  wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqada iyo waliba  hay’adda shaqaalaha dawladda, kuwaasi oo mid kastaaba ay dhinac dadka ka shaqaaleysiiyo.

Dambiyada dhaca ee ay cadaalad darrada shaqaalaysiintu keento waxa uu ka soo  qaatay guddoomiyuhu in dadka qaabka garashada ama nin jecleysi ah loo shaqaalaysiiyaa ay keenaan dhibaatooyin soo waajaha shaqada madaama ay badankoodu aqoon ku imanin shaqada.

Guddoomiyuhu waxa uu farta ku fiiqay in shaqaalaha waqtiga badan shaqeeya qaarkood aaney haysan cid xuquuqdooda difaacda;  “Waxa kaloo dayacan dadka shaqaalaha rayidka ah ee shirkadaha gaarka ah u shaqeeya, tusaale; waqtiga caadiga ah ee la shaqeeya waa 8 saacadood, qofku haddii uu siddeed saacadood wax ka badan shaqeeyo waxa la yidhaa waqti dheeraada ayuu shaqeeyey (Overtime), goobaha gaarka ah  way waqti dhaafeen, cid xuquuqdooda difaacda ma jirto”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay siyaasad heer qaran ah oo lagu abuurayo degaan shaqo oo wanaagsan, isagoo tilmaamay in aan dawladda waajib ku ahayn in ay dadka wada shaqaalaysiiso, balse xil ka saaran yahay in ay keento siyaasad shaqo abuurka.

Hay’adda shaqaalaha dawlada oo ay hadda u diiwaan ganshan yihiin shaqaale lagu qiyaasay  15,000 oo qof ayaa waqtiyo kala duwan  shaqooyin loo galay imtixaan waxa cabasho ka keenay dad shaqo doon ah oo sheegay in qaab aan cadaalad ahayn lagu  kala xulay.

Goobjoog News