U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Amar Kusoo Rogay Maxkamadaha, Xeer Illaalinta iyo Dambi Baadhista

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare Ibrahim Iidle Suleyman ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu farayaa dhammaan maxkamadaha dalka, xeer illaalinta iyo xafiisyada kale ee dambi baadhista in maxbuusta aan xabsiga lagu sii heyn karin haddii ay dhammaato muddada sharciga aheyd.

Guddoomiye Iidle waxaa uu qoraalka ku sheegay in ay tahay qofka eedeysanaha ah in loo gudbiyo maxkamadda ku shaqada leh inta muddada lagu jiro ama xuriyaddiisa la siiyo oo la fasaxo.

Dhinaca kale, amarka guddoomiyaha maxkamadda sare Ibraahim Iidle waxaa ku jira in haddii ay dhacaan dambiyo abaabulan oo dowladda lagaga soo horjeedo baadhistooda lagu gun gaari waayo muddda sharciga dhigay in ay haboon tahay in aan maxkamad lagu sii heyn haddii aaney maxkamad awood lihi racfaanka ogolaanin.

Akhriso, Qoraalka Guddoomiyaha maxkamadda sare Ibrahim Iidle Suleyman.

garyaqan1 garyaqaan