U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Cambaareeyay Weerarkii Ceel Baraf

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay maalinimadii shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada nabad ilaalinta ee Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe,  sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay  Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Mousa ayaa sidoo kale waxaa uu tacsi  leh u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, isaga kaga tacsiyeeyay askartii ku geeriyootay weerarkii dhacay, waxana uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay askartii  ku dhaawacmay weerarka Ceel Baraf.

Al-Shabaab oo baraheeda bulshada ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay dhacay, waxaa ay  sheegtay in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay xoogag ka tirsan iyo ciidanka Burundi  ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga deegaan Ceel Baraf.

 Al-Shabaab ayaa dhanka kale qoraalkooda ku sheegay in hub iyo saanad ciidan ay ku qabsadeen weerarka ka dhacay Saldhigga ay qabsadeen, ayna dileen in ka badan 170 askari, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. waxaana dhanka kale aysheegeen in ay jiraan askar nool ku qabteen dagaalka.

Goobjoog News