U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Diiday Ceyrinta Madera

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha midowga Afrikha Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay inuu shaqada sii wadayo, oo kalsooni cusub uu siiyey ergaygiisa Soomaaliyeed Medeira.

H.E. Moussa Faki Mahamat, oo goordhow qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu qaadanayo hadalka Farmaajo ee ahaa inuu ka xunyahay talaabada Rooble uu ku eryey Medeira, isaga oo intaa raaciyey in ergegagoodu uu shaqada sii wadan doono.

“Guddoomiyaha Midowga Africa, wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay dalkas u gaaro  soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni warta” ayaa laguqoraalka guddoomiye Mousa.

Hadalka guddoomiayaha midowga Afrika ayaa waxaa uu kusoo aadaya iyadoo dhowaan qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada looga joojiyay ergaygii midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhaqaaqay tallaabo ka baxday howlihii loo idmay.

Goobjoog News