U bood dhigaalka

Guddoomiyaha SOSCENSA Oo Ka Hadlay Dad U Dhintay Sicir-barar Ka Jira Gobollada

Sheeko:Dalka

Diini Maxamed Diini,  gudoomiyaha Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA ayaa sheegay in uu dalka ka jiro Sicir barar baahsan, waxa uu intaasi ku adaray in haddii aan si degdeg ah aan wax looga qaban uu sii baahi doono sicir bararka.

Guddoomiye Diini waxaa uu tilmaamay in gobollo badan oo ka mid ah dalka uu soo maray,  kuna soo arkay dad la dhibaateysan sicir-barar.

Diini Maxamed Diini,  , waxaa uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo in ka badan boqol kun oo doolar kala baxa baabuurta ay wataan in lacgtaasi dadka masaakiinta ah wax lagu siiyo.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in markii canshuurta ay ku kordhiso dowladda iyagana lacagaha ay ku kordhiyaan dadka masaakiinta ah oo awoodin in ay wax iibsadaan.

“Dadka aad ayey u baahanyihiin sicir bararka circa ayuu marayaa,dadka ganacsatada ah inta badan markii dowladda ay canshuurta ku badiso culeyska waxay saaraan dadka masaakiinta ah,waxaan dhihi lahaa lacagta buluf buroofta lagu gadanayo,hoteelada lagu seexanayo safarka lagu aadayo waxaan codsaneynaa in lacagtaas dadka masaakiinta ah waxa lagu siiyo”.

Goobjoog News