Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Oo Ugu Baaqay Caalamka In Kaalmooyin Lagaarsiiyo Dalka  Sirerra Leone

Guddoomiyaha midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa dowladaha caalamka ugu baaqay in kaalmooyin la gaarssiyo dalka Sierra Leone si looga hortago dhibaatooyinka ay geysteen fatahaadaha ku dhuftay waddankaas, waxaana illaa iyo hadda u geeriyooday fatahaadahaan dad ka badan 300 oo qof.

Mas’uuliyiinta dalka Sierra Leone ayaa waxay sheegeen in fatahaadaha ay ku dhinteen dad gaaraya 312,kuwaas oo sababay roobab badan oo Isniintii la soo dhaafay ka da,ay Sierra Leone.

Meelo badan oo ka tirsan caasimadda dalkaas ayaa waxaa ka jira saboolnimo ku aaday shabakadaha celiya biyaha,taasi oo keentay in ay fatahaad timaado xilliyada roobka.

Dowladda Sierra Leone ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha ku yaallo galbeedka Afrika,waxaana sanadkii 2014kii ku baahay cudurka Eboola, kaasi ay u dhinteen dad gaaaraya afar kun .

Dadka ku nool dalka ayaa waxay yihiin kuwo ku nool boqolkiiba%60 saboolnimo aad u daran sida uu sheegay barnaamijka horumarinta ee raacsn qaramada midoobay.

Goobjoog News, 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW