U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Kana Dhan Ah Puntland Oo Ka Socda Duleedka Boosaaso

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo gobalka Bari uu ka wado guddoomiyihii hore ee gobalkaasi oo ka gadooday siyaasadda maamulka Puntland.

Cabdisamad Maxamed Gallan. Guddoomiyaha gadooday ayaa ciidamo uu wato waxay fariisimo ka sameysteen dhowaan xero ciidan oo ku taalla magaalada Carmo ee gobalka Bari.

Mar uu warbaahinta gudaha la hadlay ayuu sheegay in uu u kacay sida uu yiri sidii beelaha Puntland wada deggan si siman wax loogu qeybin lahaa.

Odayaal dhaqan ayaa la soo sheegayaa in ay aadeen dhinaca Carmo oo ay kala hadlayaan sidii looga hortagi lahaa in dagaal uu ka dhaco gobalka Bari.

Gallan ayaa sheegay in C/weli Gaas uu kursiga ka tuuri doono islamarkaana la sameyn doono maamul shacabka oo dhan raali ay ka yihiin waa sida uau hadalka u dhigay.

Labo maalin kahor waxa uu yimid deegaanno kaabiga ku haya magaalada Boosaaso taaso oo dadka ku dhaqan magaaladaasi qalqal ku beertay.

Habeen kahor shir ka dhacay magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga Puntland ayaa looga shiray duulaanka Boosaaso kusoo yahay guddoomiye Gallan, laakiinse ma jirto cid sheegi karta go’aanka shirkaasi kasoo baxay.

Goobjoog News