U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddiga Lagu Muransan Yahay Ee Xuduudaha oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, kaas oo muran ka taagnaa mudooyinkii dambe.

Guddigaan oo ka mid ah guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran ka taagan yahay maadama aan weli golaha Aqalka sare la horgeeynin, waxayna codsadeen in loo fududeeyo howlaha shaqo ee baarlamaanka kaga xiran iyo sidii ay u gudan lahaayeen howlaha loo idmaday.

Kulanka inta uu socday ayaa guddiga waxay guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku aaddan shaqa maalmeed kooda ayagoo Gudoomiyaha golaha Shacabka ka codsadey inuu gacan ka siiyo dhameystirka wixii shuruuc ah oo ay baarlamaanka uga baahanyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadey islamarkaana u ballan qaadey inuu ka ganan sii doono sidii ay u heli lahaayeen wax yaabaha dhanka sharciyadda kaga dhiman, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dhiira geliyay guddiga xuduudaha shaqada adag oo ay Qaranka u hayaan wixii dedaal dheeraad ahna lagu bixin doono.

Goobjoog News