U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddigii uu Magacaabay oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hoygiisa kulan kula qaatay guddiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, taas oo ay sameeyeen xubno ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa guddiga kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan sababtii keentay iyo sida ay ku dhacday fowdadii golaha ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka, xilli ay socotay ansixinta xukuumadda Xamse Cabdi Barre,  isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.

Xubnaha Gudiga oo Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha inay warbixin si deg deg ah uga keeni doonaan dhacdadii ka dhacday xarunta golaha intii ay socotay ansixintii xukuumadda, waxaana macquul ah in guddiga anshaxa Baarlamaanku ay ganaxaan xunaha falka ku kacay.

Shalay ayu guddoomiyaha Magacaabay Guddiga uu u xilsaaray duacdadii Golaha Shacabka,kuwaas oo ka kooban 5 Xubnood, balse waxaa ka cudur daartay in uu kamid noqdo Xildhibaan kamid ahaa xubnaha Guddiga, hayeeshee Guddoomiyaha ayaa ku bedelay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate.

Goobjoog News