U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Brussels Kula Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Belgium-ka

Sheeko:Caalamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay dhigiisa dalka Belgium-ka Eliane Tillieux oo ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka dalkaasi ee Magaaladda Brussels.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee dalka Belgium Eliane Tillieux ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay soo booqdaan xarunta baarlamaanka Belgium iyadoo ballan qaaday in la xoojin doono xiriirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay dhigiisa dalkaasi Belgium-ka soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey waxaana uu dhankiisa ballan qaaday wada shaqeyn labada dhinac ah taasoo ku dhisan horumarinta baarlamaanada ladaba dal,aqoon kororsiga xildhibaannadda iyo howlwadeennada.
Goobjoog News