U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dhagaxdhigay Dekadda Magaalada Baraawe

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa oo ku sugan magalada Baraawe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan soo dhoweyn ah loogu sameeyay xarunta Degmada.
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid magaalada Baraawe, isla markaana imaanshihiisa ay ku faraxsan yihiin Bulshada deegaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhagax dhigay dekada caasimadda KGS ee Baraawe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan caasimadda ku amaanay nabad jaceylka iyo sida ay u daneynayaan horumarinta deegaankooda, waxaana uu sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ka geysa doonto sidii gacan looga geysan lahaa mashaariicda ka socota dalka, Baraawe na ay noqoto Caasimadda rasmiga ah ay ku shaqeyn doonaan maamulka Koonfur Galbeed.
Goobjoog News
Goobjoog News