U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddi u magacabay xaaladda Laas-caanood

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka faderaalka Sooomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood.

Xubnahaan oo ka kooban illaa iyo toban xubnood kuwaas oo ka tirsan baarlamaanka waxaana ay ka ka soo warbixinayaan xaaladda magaalada Laascaannood.

Xubanaha la magacaabay ayaa kala ah ;

  1. Xil. Mustafa SheekAli Dhuhulow
  2. Xil. Abdillaahi Bidhaan Warsame Hassan
  3. Xil. Cabdikariim Cumar Xuseen
  4. Xil. Cabdisaabir Shuuriye
  5. Xil. Abdikadir Omar Moalin (Daada)
  6. Xil. Abdikarim Abdow Heydar
  7. Xil. Abdillaahi Abdi Mohamed (Geel qaad)
  8. Xil. Mohamed Osman Omar (Naastaro)
  9. Xil. Abdullahi Abukar Haji (Abdullahi Carab)
  10. Xil. Hassan Abdi Ismail

Xubnahaan ayaana looga fadhiyaa in baarlamaanka u soo gudbiyaan warbixin laga  diyaariyo xaaladda ka aloosan magaalada Laascaanood, taasoo sababtay dhimasho, dhaawacyo iyo in bulshada barakacdo;

  1. In uu warbixintiisa u soo gudbiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka si xal loogu gaaro;

2) Xubnaha Guddiga waxaa la faraya in ay si degdeg ah u hawlgalaan.

3) Xoghayaha Guud waxaa la faraya in uu xubnaha Guddiga wargeliyo, kullamadooda abaabulo una sahlo dhammaan wixii xilgudashadooda u fududeynaayo.

4) Si waafaqsan Qodobka 37aad Faqradda 5aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, muddada xilhaynta guddigan waxay ku eg tahay isla maalinta Golaha Shacabka ka go’aan gaaro warbixinta Guddiga.

Goobjoog News