U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku baaqay dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Xudur ee gobalka Bakool kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka alshabaab.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa shacabka gobalka Bakool ugu baaqay in ay meel uga soo wadajeestaan ururka alshabaab, qaybna ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah ee ka socda gobalada kale ee dalka.

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay waxgaradka, odayaasha, aqoonyahanka, maamulka iyo shacabka Xudur ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii ay alshabaab iska dhicin lahaayeen dadka deegaanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaanada ay Alshabaab kaga sugan yihiin gobalka in si degdeg ah looga saaro, dadkana ay xureystaan deegaanadooda.

Gobalka Bakool ayaa waxaa qaar kamid ah deegaannadiisa go’doon mudda dheer ah ugu jiraan ururka alshabaab.

Goobjoog News