U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Saraakiil Ciidan

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenadda Golaha Shacabka ayaa maanta waxay shahaado sharaf guddoonsiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ATMIS.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ahaa guddoomihii amniga doorashooyinkla, Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Col. Xasan dhicisow, Taliyaha Ciidanka Baarlamaanka col. Dahir Sheekh Axmed, kuwaas kaalin muhiim ah ka qaatay amniga doorashada intii lagu jiray guddoonka ilaa iyo madaxweynaha.
Sidoo kale shakhsiyaadka shaadooyinka maanta la siiyay ayaa waxaa ku jira saraakiil sare oo qayb wayn ka qaadatay sugida Amniga goobta doorashada iyo Taliyaha guud ee ciidanka ATMIS qeybta (Sector 1) Brig. Gen. Keith Katungi, oo shahado sharafta la guddoonsiiyay ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu farxeen uguna mahadcelinayaan Guddoomiyaha golaha.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Saraakiisha ku amaanay in door muhiim ah ka qaateen Ilaalinta iyo sugida Amniga taas oo ay maanta ku muteysteen Shahaafo sharaf muujineysa dedaalkii dheeraa ay geliyeen Sugida Amniga Doorashadii ka dhacay Afasiyooni 15 May ee lagu doortay madaxweynaha iyo tii guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka.
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 5 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people and people standing
Goobjoog News